söndag 10 juli 2011

Qormada,“Col kuqaad oo tuugo kuu ciidamisay”. Part 1.

Anigoo ka mid ah dhalainyarada soomaaliyed ee ka gubanaysa dulmiga iyo dhibka shacabka soomaaliyed lagu hayo ayaan waxaan go,aansaday inaan qormadan ku eego is qab qabsiga soo noq noqday ee siyaasiyiinta somalida iyo heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Kampala oo aan u arko inay muhiimtahay inlaga hadlo/dodo. Dabcan waa arin xajiinbadan oo xasaasi ah, lakin hadana lama huran ay tahay inlaga hadlo. Qormaduna waa 2 qaybood.
Waxan muran ka taagnayn in Soomaaliya ay noqotay wadan ku canbaxay oo qoomiyadaha aduunku ay ku barteen inuuyahay wadanka dunida ugu faqriga iyo gaajada badan, ugu shaqo la,aanta badan, ugu jahliga badan, ugu caafimadka xun, ugu qaxoontiga badan, uguna amaanka xun oo ugu qatarsan aduunka oo dhan. Marar badan ayuu aduunku isku dayey inuu caawiyo Soomaaliya si ay u noqoto dal markale lugihiisa isku taaga laakin mar walba wuu fashilmayey iskudayga aduunku oo Soomaali kale ayaa sabab unoqonaysay oo loosoo marayey fashilkaas. Waxayna keenaysay in guuldaradii ku dhacday qarankii Soomaaliya ay halkeedii kasii socoto.
Burburkii qarankii Soomaaliya wuxuu keenay in dad badan oo Soomaaliyed ay debadaha u qaxan oo ka cararaan dagaladii sokeeye ee ahliga ahaa ee dalka ka dhacay oo keenay amni xumo, cunsurinimo (qabyalad iyo in haybsoc la isu dilo). Sidokale wuxuu dagalkii sokeeye keenay in dadkii soomaaliyeed ay wayaan waxyaalihii aas aasiga u ahaa nolosha dadka bani,aadamka ah sida shaqo, wax barasho, daryeel caafimaad iyo nabadgelyo. Taasina waxay keentay in ninkii dhaqale haystay iyo kii aqoonta lahaaba ay dalka debada uga cararaan, taas oo keentay inay isuguhadhan dalkii dad maato u badan iyo in matadaas ku dul nool oo iyaga baadha, taas oo dalkii ka dhigtay ”colku qaad oo tuugo kuu ciidamisay”. Marka laga hadlayo aduunka maanta oo ku dhisan “Globalization ka” ayuu dalkii Soomaaliya iyo dadkiisiiba noqodeen kuwo ka hadhay nolosha cusub ee manta aduunka ka jirta, taas oo ku dhisan amaba ay aas aas u yihiin aqoon, ilbaxnimo iyo dhaqaale isku xidhan.
Halka astanta ama waxa lagu xasuusto dalka Soomaaliya uu noqoday labatankii sano ee u dambaysay waxyalo xun xun oo qofkasta oo Soomaaliya maqlay uu kuu sheegayo, taas oo ceeb aad iyo aad u wayn ku noqotay soomaalida dibadaha ku nool. Taas oo keentay in qaar badan oo ka mid ah soomaalida dibadaha/qurbaha ku nooli ay inkiraan soomaalinimada oo ay sheegtaan dalal kale, sida Djibouti, Eretria iyo kuwo kale oo gobolka ku yaala.
Waxyaabaha ay dhalinta soomaalidu aadka u dhibsadaan ayaa waxaa ka mid ah, dowlad la,aanta, nadamdarada, dagaalka sokeeye, qaxoontinimada, argagixisanimada, amni darada, afduubka iyo budhcad badeednimada uu dalka Soomaaliya canka ku noqday.
Dhaman waxyalahan kor ku xusan ee aadka u xun waxaa dhaxalsiiyey dadka iyo dalka Soomaaliya siyasad xumada siyasiyiinta soomaalida oo aan lasoo dooran, aana ku imaan wado sax ah oo haboon iyo hab xalal ah oo sahli kara in dalku uu ka baxo dhibka uu ku jiro iyagana lagula xisaabtami karo.
Siyaasiyiinta soomaalidu ma aha dad ku yimaada wado sax ah oo lamasoo doorto, mana aha dad qibrad, aqoon iyo waaya aragnimo ku haboon oo dal lagu maamulikaro leh. Waxaayna ku yimaadaan hab qabiileedka ay iyagu samaysteen ee 4,5 ka. Marka laga reebo gobolada waqooyiga oo iyaga uu ka jiro maamul ay dadku soo doorteen oo xalal ah.
Hadii aan dib u yara jaleecno dhibaatooyinka ugu waawayn ee ka dhex dhaca siyaasiyiinta soomaalida dhexdoda ayaa waxa ka mid ah in mudo yar ka dib marka xilalka loo magacaabo ay sifudud u kala boodaan, taas oo ay sababta ugu wayni tahay in dadka xilalka siyasada loo magacabaa ee la rabo inay wada shaqeeyaan ay yihiin dad aan horay isu aqoon, isku aragtina aan ka ahayn habka ugu haboon ee dhibka dalka Soomaaliya lagu xalin karo, intooda badanina ma aha dad qibrad iyo aqoon siyaasaded oo ku filan leh, taas oo keenta in markiiba ay kala boodaan. Inta badana kala boodkoda waxaa u sabab ah qibrad la,aantooda xaga siyasada, aqoontooda guud iyo waya aragnimadoda oo aad iyo aad u kooban. Taasina waxay markiiba keentaa inay isfahmi waayaan oo ay u baahdaan dad kale oo dhex dhexaadiya markay isqabtaan.
Madaama aqoonta iyo waayo aragnimada siyasiyiinta soomaalidu ay tahay mid koban oo aan gaadhsiisnayn heer ay gartan inay isutanaasulan, si xal qaran oo guud loo gaadho oo dalka iyo dadka loo samatabixiyo. Waxase taa bedelkeeda dhacda inta badan inay siyasiyiinta soomaalidu faan iyo sharaf modan in dalal kale ay dhex dhexaadiyaan oo gartooda ay naqaan iyadoo mid waliba midka kale uu ugu xoog sheeganayo oo uu tusayo inta dowladood ee isaga taageersan, isagoo aan fahansanayn in dowladaasi isaga ku fushanayaan danahoda siyasadeed ee ay Soomaaliya kaleeyihiin, taas oo keenaysa inay unuglaadaan ama ay galay handadaad ama waxa looyaqaano “blackmail situation” madaama ay ayagu isgaliyeen xalad ka dhigaysa “vulnerable victim position” ama dhibanayaal boos Qatar ah ku jira oo aan waxba diidi Karin aysana joogin meel ay ka noqdan, taas oo qasbaysa inay u nuglaadaan oo ay ogolaadaan wax kasta oo loosoo jeediyo. Taas oo aad ku xasuusan karto maah maahdii soomaalida ee ahayd “hadii fooli timaado gudo qarsiinyo wuu dhamaaday”.
Taas oo galinaysa danta qaranka Soomaaliya Qatar aad iyo aad halis u ah, maadaama ay noqonayso in danaha qaranka Soomaaliya laga hormariyo danaha dowladaha kale ee ay siyasiyiinta soomaalidu u tagaan, si dowladahaasi ay u taageeraan aragtidooda shaqsiga ah ee gaarka ah ee markaa ka kasoo horjeeda tan siyasiga ama group ka kale ee ay iska soo horjeedaan. Waxadna ka garanaysaa sida heshiisyada ay gaadhan marka laheshiisiinayo ay u qoranyihiin. Heshiisyadaas oo aad mararka qaarkood aad ugu yiq yiq soonayso. Taas oo u baahan in xal deg deg ah loo helo.
Heshiisyadaas oo marka aad aqriso aad ka garanayso in xalkii dalka Soomaaliya uu yahay “col ku qaad oo tuugo kuu ciidamisay” amaba uusan ku jirin xalkii Soomaaliya heshiiska meesha lagu kala saxeexday. Heshiisyadaasina waxay inta badan dibada u soo saaraan ceebta, aragti gaabnida, aqonyarida iyo waya aragnimo xumada siyaasiyiinta soomaalida.
Waxaana heshiisyadaas u dambeeyey kii kampala ka dhacay ee dhexmaray madaxda dowlada Soomaaliya ugu saraysa. Heshiiskan ayaa qodobada ugu mihiimsani waxaay yihiin kowo ka hor imaanaya heshiiska ama axdiga (TFG) DKG ee Soomaaliya ay ku dhisantahay, wixii kala saxeexday heshiiskana waxay ahaayeen madaxdii dowladaas. Qodobada heshiiskaas waxyaabaha ugu muhiimsan ee axdiga dowlada ka hor imaanaya waxaa ka mid ah 2 qodob oo aniga shaqsiyan aad iyo aad iiga yaabiyey aana iswaydiiyey madaxdii heshiiskan saxiixay wixii qasbayey waxa ay ahaayeen, taas oo aan filayo in Soomaali badan oo kalena ay doonayaan inay ogaadaan. Loona baahan yahay inay noosheegaan madaxdu wixii ku kalifay waa hadii ay anaga madax nooyihiin oo donayaan inay namatalaan.
Qodobka kowad ee aan ku soo qadanayo qormadan waxa uu odhanayaa inaan gudoomiyaha barlamanka iyo kuxigeenadiisa iyo madaxwaynaha dowlada (TFG) aan mooshin laga keeni Karin, isla markana looga yeedhi Karin barlamanka si loola xisaabtamo.
Heshiisku qeeximaayo sababta kaliftay inaan madaxda dowlada moshin laga keeni Karin oo aan loola xisabtami karin, taas oo qofkasta oo Soomaali ah u jawaabteeda u bahanyahay inuu ogaado. Qodobkan oo sicad uga hor imaanaya axdiga ay dowlada soomaaliyed ku dhisantahay ayaan wali laga jawabin waxa ku kalifay madaxda dowlada inay saxiixaan. Balse waxa muuqata oo aan shaki ku jirin inuu yahay qodob ka yimi dowladaha Soomaaliya danaha kaleh u jeedaduna ay tahay in awooda barlamanka Soomaaliya ay meesha ka baxdo si madaxda dowladu ay u noqdan dad sitoos ah ugu xidhan dowladaha ayaga kala taageersan ee soo heshiisiiyay, si taas loo helana ay tahay in laga badbaadiyo madaxda dowlada in barlamanka Soomaaliya uu xilka ka qaado ama uu keeno moshin uu kula xisaabtamayo madaxda dowlada. Si hadaba ay taasi meesha uga baxdo ayaa waxa lagu soo qasbay madaxda dowlada inay heshiiskan saxiixaan iyadoo kii diidaana uusan taagero ka helay dowladahaas oo sidii Farmajo qoorta laqaban doono, taas oo ku qasabtay labada shariif inay saxiixaan heshiiskan oo Qatar ku ah jiritanka iyo madax banaanida dalka Soomaaliya. Heshiisku wuxuu kaloo barlamanka Soomaaliya ka dhigayaa dhagxaan meel fafadhida oo habayaraatee aan waxba looga baahnayn. Awoodii laxisabtanka hayadaha dowladana wuu laalayaa. Booskii barlamankana waxaa gali doona dowladaha kala taageersan madaxda iyaga ayaana laxisaabtami doona madaxda dowlada Soomaaliya. Iyagoo wax walba oo laqabanayana ka bilaabi doona danahooda gaarka ah ee ay dalka Soomaaliya kaleeyihiin. Wuxuna sidadban ugu qasbayaa heshiiskani madaxda dowlada inay sameeyaan oo kaliya waxa dowladahani ay raaliga kayihiin taas oo ah xaqiiqda dhabta ah ee keentay in Mohamed Abdulahi Farmaajo uu xilka raysal wasaraha Soomaaliya ka dego, madaama loo arkay nin danta Soomaaliya ka hor marinaya tan dowladaha kale ee Soomaaliya danaha kaleh, aana u dhega nuglay dowladahaas. Taas oo farmajo uu taageero uga haystay soomaalida oo dhan, balse barqo cad lagu qasbay inuu xilka ka tago, iyadoo loo cuskanayo heshiiskii labada shariif ee Kampala oo aan sharciyan waafaqsanayn axdiga dowlada TFG,da.
Halkan waxaa ku jira su,aalo badan oo aan ilaa iyo hada jawaab loohayn???. Madaxwayne Shariif Ahmed markii uu ka hor hadlayey barlamanka hortiisa ee uu keenay raysal wasare Abdiwali ayuu sheegay inuu rajaynayo in barlamanku uusan ku tuhmayn isaga iyo gudoomiyaha barlamanka inay yihiin dad wadankooda qiyanaya ama aan garan karin wixii dalka dhibato u keenaya. Balse waxa iswaydiinta mudan ayaa ah madaxwaynuhu ma isyeel yeelayaa mise wuxusan fahmikarin waxa ku qoran heshiiska uu saxeexay oo uu ka mid yahay qodobka aan kor kusoo xusay ee odhanaya in aan madaxda dowlada lala xisabtami karin iyo qatarta uu u keenayo qaranimada iyo madaxbananida dalka Soomaaliya. Waxaase kasii daran barlamanka ka dhagaystay ee ugu sacbiyey. Wuxuu sidoo kale sheegay madaxwaynuhu in lagu kala aragti duwanan karo fekerka, waana wax jira in lakala aragti duwanan karo lakin micnaheedu ma aha in lagu kala aragti duwanankaro in lagu tunto axdiga ay dowlada Soomaaliyeed ku dhisantahay ee uu isagu madaxwaynaha kayahay. Hadii axdigaas lagu tuntana madaxwayne iyo barlaman sharciyeysan toona majirikaraan, sida anigu aan qabo.
Doqobka labad wuxuu odhanayaa in lasameeyo “hayad” ka kooban wadamada ku jira ururada (IGAD iyo EAC). Ururadani waxay ka kooban yihiin dalalka, Kenya, Ethiopia, Djibouti, Uganda, Burundi , Sudan, Eretria Rwanda iyo Tanzania, waxayna qaban doonaan sida heshiiska ku qoran howshii barlamanka Soomaaliya oo dowlada ama madaxda dowlada ayey laxisaabtami doonaan, madaama heshiisku uu ka mamnucayo barlamanka Soomaaliya inuu keeno moshin uu kula xisabtamayo madaxda dowlada, taas bedelkeedana ay wadamada kor ku xusani bedeli doonan.
Hadaba su,aasha meesha taala ee qofkasta oo Soomaali ah ay tahay inuu iswaydiiyo ayaa ah maxaa laga fili karaa “hayadan cusub” oo ay ku soo kordhinkartaa xalada siyasada ee Soomaaliya. mase laga yaabaa in wadamada IGAD oo runtii ka faa,iiday burburkii dalka Soomaaliya ay ka taliyaan xalka Soomaaliya madaama ay siyaasiyiintii Soomaalidu gacanta u galiyeen siyaasadii dalka Soomaaliya oo ku sugan yihiin xalad ah “blackmail situation”. Mase tahay waqti ku haboon in madaxda dowladu ay ka jawaabaan su,aalaha tirade badan ee maskaxdeena ka guuxaya.
Muxuuse yahay xalka hada lagudboon barlamanka KMG, waxgaradka, shacabka iyo aqoonyahanka Soomaalida. jawaabta arimahan oo dhan iyo kuwo kaleba oo badan kala soco qormada qaybteeda labad ama (part 2,ga).
Qormadan waxaa soo diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jamac dharas oo ah arday wax ka barta dalka Sweden kana tirsan gudiga fulinta ee ururka isbahaysiga ummada Soomaaliyed ee dalka Sweden. Wixii talo iyo tusaale ah igala soo xidhiidh ciwankan Abdikani.jama@gmail.com
Mahadsanid

Inga kommentarer: