Qaybtii kowaad ee qormadan la magac baxday”col ku qaad oo tuugo kuu ciidamisay” waxaan ku eegay wax yaabo ay ka mid ahaayeen,heshiiskii Kampala iyo dhibaatooyinka bulsho ee haysta dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Waxan sidoo kale qormadii hore uga hadlay waxyaabaha dadka iyo dalka Soomaaliya dhaxalsiiyey dhibaatooyinka iyo dowlad la’aanta labaatan sano jirsatay inay sababtay waaya aragnimo xumada, aqoon yarida, isutanaasul la’aanta iyo isqab qabsiga siyaasiyiinta Soomaalida, taas oo aan sheegay inay sabab u tahay qaabka la isugu keeno ama loo doorto siyaasiyiinta Soomaalida oo ah qaab qabiileedka 4.5 oo ah hab aan haboonayn.
Siyaasiyiintaas ayaan soo sheegay inaysan inta badan aqoon isu lahayn, isku aragtina aysan ka ahayn sida dhibaatada Soomaaliya lagu xalin kari lahaa, taas oo keenta inay markiiba kala boodaan oo ay wada shaqayn kariwaayaan, isla markaana ay u baahdaan gacan sadexaad oo heshiisiisa. Haddaba qaybta labaad ee qormadan la magac baxday “col ku qaad oo tuugo kuu ciidamisay” ayaan ku eegi doonaa heshiiskii Kampala oo aan qormadii hore uga hadlay laakiin qormadii hore ka dib uu ansixiyey barlamanka DKMG ee Soomaaliya. Haddaba su,aasha ayaa ah maxaa ka dhalan kara heshiiskan? Mahirgalay, mase hirgali karaa?
Sida aan wada ognahay wuxuu wadan kasta oo dunida ka tirsani leeyahay sharci asal ah oo laguu magacaabo ama loo yaqaan ”Constitution” ama dastuur kaas oo ah axdi qarameedka dalkaas. Wuxuuna axdi qarameedku yahay sharciga gundhiga ama asalka u ah dhamaan shuruucda dalka, taas oo micnaheedu yahay in loola noqdo sharci kasta oo lasoosaarayo ama labedelayo siloo waafajiyo axdi qarameedka dalka maadaama uu axdi qameedku yahay asalka ugu sareeya shuruucda dalka, islamarkaana ay tahay in sharci kasta oo farac ah lawaafajiyo axdi qarameedka oo ah sharciga asalka ah si sharcigu faraca ahi u noqdo mid dhaqan gali kara. Haddaba waa sidee qaabka lamaro marka sharci labedalayo ama lasoo saarayo sharci cusub. Waxan wada ogsoonahay in barlamankastaa uu leeyahay gudiga qaanuunka ama dastuurka ee joogtada ah ee loo yaqaano “Constitution Committee” oo micnaheedu yahay gudiga dastuurka. Gudigan oo ay shaqadiisu tahay inay diyaariyaan, soona baadhaan/tiffatiraan oo ay hindise ka keenaan sharciyada lasoosaarayo ama labedelayo kuwaas oo barlamanka masuul uga ah ugogol dhiga, diyaarinta ama soobaadhida iyo kabaaraandegida sharciyada lasamaynayo ama labedelayo iyagoo kala tashanaya sharciyaqaanada qaranka, xeer ilaaliyayaasha qaranka iyo gudoonka maxkamada sare ee qaranka si loo helo sharci wanaagsan oo buuxinkara u jeedadii laga lahaa isla markaana aan ka hor imaanayn axdiga qaranka ama dastuurka dalka. Waxa kale oo ay tahay gudigan shaqadoodu inay si habsamileh ula socdaan waxqabadka dowlada iyo waliba habsami u socodka howsha gudoonka barlamanka, taas oo aan hada muuqan inay shaqaynayso, maadaama uu gudoomiyaha barlamanku uu u dhaqmo xadhigaa furan oo uu xitaa gaadhay heer uu mudanayaasha barlamanka ugu hanjabo inuu booliis ku dalbanayo hadii aysan yeelin sida uu doonayo gudoomiyuhu. Gudigaas oo marka ay kasoobaaraandegaan sharciga ka dib u soo gudbiya barlamanka qaranka si uu uga dodo ka dibna uu go,aan uga gaadho. Hadaba heshiiskii Kampala mamaray wadadan oo ah wadada saxda ah ee sharci lagu bedeli karo ama lagusoo saarikaro ? Mase yahay mid sharci ah oo dhaqan gali kara maadaama uu barlamanka qaranka ee DKMG uu ansixiyey? anigu waxan qabaa in qaybo ka mid ah heshiiska aysan sharciyan u dhaqan gali Karin ilaa lawaafajiyo axdi qarameedka.
Sababta aan anigu u qabo in heshiiska qayb ka mid ahi aysan sharci ahayn oo aysan dhaqan gali Karin, ayaa ah inay axdiga qaranka ka hor imaanayso, halka qaybta kale ay dhaqan gali karto inkastoo iyada laftigeedu aysan soo marin wado sax ah, oo ay ku timi hab qaldan oo aan sharci ahayn, hadana sharciyan way dhaqan galikartaa waxaana keenaya inay dhaqan gasho go, aankii barlamanka DKMG ee Soomaaliya uu gaadhay 11/7-2011.
Waxaan kor kusoo xusay inay jiraan shuruuc asal ah iyo kuwo farac ah, kuwaas oo aan ku kala sheegnay sharciyada caadiga ah iyo sharciga loo yaqaano axdi qarameedka ama “constitution” sharcigaas oo aan sheegnay inuu sharci walba ka sareeyo isla markaana sharci kasta oo isaga ka hor imaanayaa uusan dhaqan gali Karin ilaa inta laga waafajinayo axdiga qaranka ama “constitution”ka dalka. Waxaan qormada qaybteedii koobaad uga hadalnay qodobo aan sheegnay inay axdi qarameedka ka hor imaanayaan. Kuwaas oo ahaa in laxisaabtanka madaxda qaranka oo sharciyan uu barlamanka qaranku iska leeyahay lagu wareejiyo “HAYAD” kale oo ka kooban madaxda dalalka “IGAD iyo EAC”da qodobkan ama sharcigan oo ka hor imaanaya axdi qarameedka dalka Soomaaliya. Hadaba waxaan sidoo kale ka war qabnaa in barlamanka Soomaaliya uu yahay hayada dastuuriga ah ee iska leh waajibaadka laxissabtanka madaxda qaranka sida uu axdi qarameedku qabo arintaasna aan waxba laga bedelin ilaa hada, taas oo cirka ku laalaysa oo waxba kama jiraan ka dhigaysa go,aankii barlamanka 11/7-2011, gaar ahaan qodobada axdiga ka hor imaanaya.
Sidaan wada ogsoonahay baarlamaanka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa 11/7-2011 cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, heshiiskii ay Kampala ku kala saxiixdeen madaxda sare ee DKMG ee Soomaaliya kaas oo u oggolaanaya madaxda wadamada dalalka “IGAD iyo EAC”da inay lawareegaan awooda sharciga ee laxisaabtanka madaxda DKMG ee Soomaaliya oo uu barlamanku iska leeyahay taas oo uusan barlamanku waa fajin axdi qarameedka dalka Soomaaliya. Hadaba su,aasha jawaabta u baahan ayaa ah, madhaqan gali karaa sharci axdi qarameedka ka hor imaanayaa?Jawaabtuna waa maya. Go,aankii barlamanka Soomaaliya ee ku saabsanaa qodobada ka hor imaanaya axdi qarameedkuna waxa uu noqonayaa shimbirayahoy heesa mana aha mid dhaqan gali kara.
Waxaa fadhiga baarlamaanka ee lagu ansixiyay heshiiskaasi soo xaadiray 436 mudane o oka tirsan barlamanka ka kooban 550 xildhibaan, waxaana codka oggolaanshaha ku ansixiyay 393 xildhibaan, 7 xildhibaan way ka aamuseen halka 36 xildhibaana ay diiday. Sababta ay ilaa hada u ansixiyeen heshiiskaas oo oggolaanaya in waajibaadkii xildhibaanada oo ahaa laxisabtanka madaxda dowlada, dajint iyo ilaalinta shuruucda dalka Soomaaliya lagu wareejiyo wadamada (IGAD iyo EAC) ma aha mid umada Soomaaliyed loosheegay sababta dhabta ah ee ka dambaysa mana aha wax laqaadankaro, ilaa iyo hadana ma aha mid loo sharaxay shacabka sababta kalifaysa laakiin waxaa muuqata in wax la qarinayaa ay jiraan.
Waxanse shaki ku jirin in qiyaano qaran oo wayn oo taariiqdu xusi doonto lagalay,maadaama ay madaxdii qaranku oggolaatay in awoodda waaxda ugu saraysa hayadaha dowlada oo ah barlamanka qaranka ama (sharci dajinta qaranka) ay oggolaadeen in lagu wareejiyo wadama kale.
Hadii qodobada heshiiskan lawaafajinlahaa axdi qarameedka waxaa maanta sicad Soomaaliya looga xukumi lahaa dalalka “IGAD iyo EAC” balse wali lagama xukumi karo maadaama axdiga qaranku uu siinayo barlamanka inay yihiin awoodda iska leh laxisaabtanka madaxda dowlada iyo golayaasha qaranka ugu saraysa, inkastoo badanka dadka barlamanka Soomaaliya ku jiraa maanta aysan ahayn dad u qalma booskaas ee ay yihiin dad qabiil iyo qabyaaladi meesha keentay aysana fahmi Karin micnaha kalmada xildhibaan. Run ahaantii waa qiyaano qaran oo wayn in hayada sharcidajinta qaranka ugu saraysa oo ah barlamanka Soomaaliya awoodeedii sharciga ahayd lagu wareejiyo wadamo shisheeye, arintan oo ah qiyaano qaran oo cad. Macnaha kalmada qiyaano qaran waxa uu yahay in qof qaranka jago muhiim ah u haya uu sameeyo wax kasoo horjeeda sharciga ama “constitution”ka u degsan qaranka.
Kalmada qiyaano qaran waa kalmad caalami ah, waana dambi aad iyo aad u wayn muxuuna ka mid yahay dambiyada aduunka ugu waawayn, inta badana dadka gala waxaa lagu xukumaa “dil toogasho ah” wuxuuna qodobka qiyaano qaran qabanayaa qof kasta oo qaranka xil ama masuuliyad u haya sameeyana wax ka hor imaanaya shuruucda u degsan dalka uu xilka u hayo ama uu madaxda ka yahay, waxaas oo keeni kara in siyaasada ama amaanka qaranku uu qatar galo ama uu gacanta u galo dad ama dowlado kale oo aan ahayn dadkii loo ikmaday.
Waxaana kalmada qiyaano qaran inta badan loo kala qaadaa laba qaybood oo kala ah ” military treason and diplomatic treason” taas oo micnaheedu yahay qiyaano qaran oo xaga milatariga ah iyo mid xaga siyaasada ah.Waxaana shaki ku jirin in qiyaano qaran oo siyaasadeed ay meesha ka dhacday, maadaa ay madaxdii iyo barlamankii Soomaaliya saxeexeen oo ay ansixiyeen heshiis sicad uga hor imaanaya sharciga ay DKMG ee Soomaaliya ay ku dhisantahay oo ah axdi qarameedka DKMG ee Soomaaliya.Sharcigaas oo sicad u qeexaya cida iska leh laxisaabtanka madaxda dowlada Soomaaliya.Halka heshiiskani uu gacanta u galinayo awooddaas dowladaha wadamada (IGAD iyo EAC) oo aan ku sheegay waxa ay yihiin qaybtii koowaad ee qormadan.
Hadaba su,aasha meesha taala ayaa ah yaagalay oo lagu qaadayaa dambiga “Qiyaano qaran” yuuse qabanayaa, yaase ku qaadaya? Dambigani wuxuu qabanayaa qofkasta oo madax ama muwaadin ah ee gala dambiga ah “qiyaano qaran” kuna sifooba dambiga keenaya in danaha qaranku ay Qatar galaan, hadii ay tahay xaga,siyaasada iyo xaga militarigaba. Waxaana dacwada dambigani ay tahay inay ugudbiyaan maxakamada sare ee qaranka 1) xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, 2, dadka golayaasha kala duwan ee qaranka ku jira, sida barlamanka, golaha wasiirada iwm, 3, muwaadinkasta oo Soomaali ah ee u arka in qiyaano qaran lagalay.
waxaan go,aansaday in qormadii la magac baxday “col ku qaad oo tuugo kuu ciidamisay” aan sii wado hadii alla awoodalihi oggolaado,ka dib codsiyo badan oo ka yimi aqrista yaasha waxaana ku soo qaadandoonaa qaybta soosocda ee qormadan la magac baxday “col ku qaad oo tuugo kuu ciidamisay” matahay madaxda cusub ee DKMG ee Soomaaliya mid hada wixii ka dambeeya soo afjari doonta is qabqabsigii iyo isu tanaasul la`aantii dhexdooda ka jiri jirtay ee aan uga baranay, mase is yaqaanaan sheikh shariif iyo R/ wasaare Cabdiweli? Cabdiweli se waa nin caynkee ah. Maxaayse tahay waxa ay Soomaaliya uga bixi karto jaahwarerka siyaasadeed? Iyo qaybta xigra oo aan ku soo qaadan doono mayahay federal system ka mid dalka Soomaaliya anfacaya? Hadaba lasoco qormada la magic baxday “col ku qaad oo tuugo kuu ciidamisay” qaybeheeda kale
Qormadan waxaa idiin soo diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jamac dharas oo ah arday wax ka barta dalka Sweden kana tirsan gudiga fulinta ee ururka isbahaysiga ummada Soomaaliyed ee dalka Sweden. Wixii talo iyo tusaale ah igala soo xidhiidh ciwankan Abdikani.jama@gmail.com
Mahadsanid
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar