fredag 19 augusti 2011

torsdag 18 augusti 2011

Talo soojeedin kusocota madaxda dowlada Soomaaliya oo kusaabsan sugida amaanka macaawinada Soomaaliya lasiinayo

Waxaan kawada war qabnaa in dadka iyo dalka Soomaaliya ay ka dhacday abaar aad iyo aad u daran oo keentay in dad badan oo caruur iyo waayeelba lihi ay u dhinteen halka kuwo kalena ay ugasoo barakacayaan degaanadii ay deganaayeen si ay u gaadhaan xeryaha qaxoontiga ee gudaha dalka Soomaaliya iyo dalalka dariska ah, sida Kenya iyo Ethoipia.
Waxaana muuqata in dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay si wanaagsan ugu gurmanayaan sidii ay u caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu halakeeyeen.
Hadaba dowlada iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa laga doonayaa inay iska kaashadaan sidii ay beesha caalamka ugu muujinlahaayeen inay yihiin dad iyo dowlad wanaagsan oo kasoo baxaya waajibaadka ka saaran in macaawinada ay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku u soo dirayaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan inay soo gaadhayso dadka dhibaataysan ee ay abaarhu soo barakiciyeen.
Waxaa kasoo baxaya aalada internetka warar sheegaya in macaawinada lasiiyo Soomaaliya lagu kala iibsado suuqyada magaalada Mogadishu. Arintan ayaa ah wax siwayn u dhaawacaya sharafta dowlada Soomaaliyeed iyo dadkeeda ay abaaruhu halakeeyeen. Waxaana lagu sheegay baadhitaan ay samaysay wakaalada wararka ee associated press AP ee laga leeyahay dalka maraykanka war bixin sheegaysa in ganacsato yar yar oo ka mid ah kuwa degan deganada cuntada lageeyo ay xadaan cuntada ka dibna ay dib usii iibiyaan oo ay ka ganacsadaan.
Horay ayey budcad baddeedu ugu ceebaysay dadka Soomaaliyeed oo ay sharaftoodii meel ugaga dhacday ka dib markii ay mucaawinada beesha caalamku soo dirto ay bada isu taageen oo ay afduubteen maraakiibtii macaawinada siday, taas oo keentay in beesha caalamku ay badaha Soomaaliya keento maraakiib dagaal oo ladagaalama budhcad badeeda isla markaana ilaaliya badaha Soomaaliya, taas oo keeni karta in aysan dowlada Soomaaliya iyo shacabku toona aysan ka war qabin waxa ka dhacaya bada Soomaaliya maanta, ayna dhicikarto in lagu soo dhuunto maraakiibtaas, oo badaha Soomaaliya si sharci daro ah looga kaluumaysto maadaama ay badii Soomaaliya noqotay halaq mareen.
Sidoo kale ayaa maalmahan waxaa soo baxayey warar sheegaya in cuntadii macaawinada ahayd ee aduunku uu ugu deeqay dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan in lamusuq maasuqay oo dhex laga leexiyey isla markaana lagu kala iibsanayo suuqyada magaalada mugdishu sida ay qortay wakaalada wararka ee associated press AP.
Arintan oo hadii ay cadaato ku noqonaysa dowlada Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan ee macluusha iyo abaaraha kasoo barakacay dhirbaaxo siyaasadeed oo iyo mid bani,aadanimoba oo ay adagtahay inay kasoo kabsadaan.
Waxay sidoo kale hoos u dhigaysaa moralka ama hamiga bani,aadanimada ku dhisan ee dowladaha iyo dadyowga deeq bixiyayaasha ah oo hadii ay maqlaan in cuntadii ay dadka dhibaataysan ugu deeqeen suuqyada lagu kala iibsanayo ay dhaawac wayn u gaysan doonto howlihii gurmadka bani,aadanimada ee abaaraha Soomaaliya loo samaynayey.
Waxaana ugu baaqayaa madaxda dowlada iyo cidii kale ee ay qusayso in sharci adag ay kasoo saaraan cidii ama ganacsadihii lagu helo isaga oo iibsanaya ama iibinaya cunto macaawino ah, sharcigana lahorkeeno isla markaana xukun adag lagu qaado, Si looga hortago musuq maasuq ku yimaada cuntada loogu deeqay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu soo bara kiciyeen.
Sidoo kalena waa inay dowladu laxisaabtantaa hayadaha gargaarka ee magaca abaaraha Soomaaliya lacagta aduunka uga aruuriyey si dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu caydheeyeen loogu caawiyo. Maha hadii face-ka 1 koobaad ee cunto gaadhsiinta dadka soo barakacay u dhamaado inay dhamaatay baahidii keentay gargaarka abaaraha Soomaaliya laakiin waxaa bilaaban doona face-ka 2 labaad oo ah dib u dajinta dadka soo bara kacay iyo sidoo kale face-ka 3 sadexaad oo ah sidii loojahayn lahaa malaayiinta shacabka soomaalida ah ee ay abaaruhu caydhteeyeen. Sababto ah qaybo badan oo ka mid ah dadka soo barakacay waxay ahaayeen xoolo dhaqato xoolihiina way ka baabe,een waxayna soo degeen magaalooyinka, waxayna u baahanyihiin in loo sameeyo camal iyo xirfado ay nafdooda ku maareeyaan. Sidoo kale kuwa deegaanadoodii ku hadhay oo iyagu u badan dad beeralay ah waxay iyaguna u baahan yihiin in ceelal loo qoto lagana caawiyo cagaf cagafyo yar yar oo ay ku fashaan beerohooda si aysan u maclullin mar dambe. Dhamaan howlahaasi waa howlo sugaya dowlada ku meelgaadhka ah inay wax ka qabato.
Qoraalkan waxaa idiin soo diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jamac dharas oo ah arday wax ka barta dalka Sweden kana tirsan gudiga fulinta ee ururka isbahaysiga ummada Soomaaliyed ee dalka Sweden. Wixii talo iyo tusaale ah ee ku saabsan qormadan igala soo xidhiidh ciwankan Abdikani.jama@gmail.com
Mahadsanid



sidee looga faa,iidaysan karaa booqashada uu Soomaaliya ku imaanayo raysal wasaaraha dalka turkiga?

War baahinta dalka Turkiga ayaa maalmahan sheegayey in raysal wasaaraha dalkaasi turkiga mr Tayyip Erdogan uu doonayo in uu tago Soomaaliya uuna soo booqdo xeryaha dadka abaaraha kasoo barakacay ay degan yihiin. Mr Tayyip Erdogan oo lahadlayey dadwaynaha dalka turkiga ayaa sheegay in dadka turkigu ay isu diyaariyaan sidii in ay yihiin dadka turkigu dadka kaliya ee caawinaya dadka macluushu ay dhibaataysay ee Soomaaliyeed, taas oo uu ula jeeday inaysan waxba lahadhin si ay u caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed. Raysal wasaaraha dalka turkiga ayaa hadii uu booqdo dalka Soomaaliya wuxuu noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee dal islaam ah ka socda ee soo booqda dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee mudada 20 sano ah dhibaataysnaa wuxuuna soo kor dhinkaraa waxaabo badan. Ka sokow inuu kasbado kalsoonida shacabka Soomaaliyeed oo beesha caalamku ay dayrisay, waxay booqashada raysal wasaaraha dalka turkigu soo kordhinaysaa inay Soomaaliya ku soo jeediso indhaha beesha caalamka, si colaada iyo dhibaatada raagtay ee Soomaaliya wax looga qabto oo loo soo afjaro. Turkigu waa dal wayn oo awood siyaasadeed ku leh beesha caalamka waana dal istaraatiiji ah marka laga hadlayo dhanka siyaasada caalamka. Turkigu waa dal wayn oo islaam ah isla markaana ka tirsan ”North Atlantic Alliance” ama dalada militariga ee waqooyiga bada atlantiga ee loo yaqaano (NATO). Turkigo waa dal wayn oo islaam ah isla markaana leh siyaasad furfuran oo qunyar socod ah uuna isugu keeni karo dalal badan oo siyaasada ku kala aragti duwan. War kusoo baxay boga wasaarada arimaha dibada ee dalka turkiga ayaa lagu sheegay in dalka turkigu uu u qaban qaabin doono shir deg deg ah oo uu ugu yeedhay dhamaan dalalka ku jira ururka islamka ee looyaqaano ”Organisation of islamic cooperation” (OIC). Shirkan ayaa ka dhici doona 17 bishan agoosto dalkaasi turkiga waxaana looga hadli doonaa xaalada macluusha daran ee ka jirta dalka Soomaaliya. Waxaana lagu casumay shirkan dhamaan 57 dal ee xubnaha ka ah ururka OIC si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee macluushau iyo abaaraha iswataa ay haleeleen. Aragti ahaan anigu waxaan qabaa in gargaarka bani,aadanimo kasokow Soomaaliya ay u baahantahay xal siyaasadeed oo deg deg ah, si dalka iyo dadka inta hadhay loo samatabixiyo. Dowlada turkiguna waa dowlad wayn oo door wax ku ool ah ka ciyaari karta xal u helida dhibaatada raagtay ee Soomaaliya. Arintan ayaa runtii ahayd arin mudaba madaxayga ka qalinaysay laakiin may qornayn inaan horay wax uga qoro.sida aan wada ognahay waxaa inta badan dhacda in marka uu dal guuldaraysto ay u gurmadaan dalalka ay saaxiibada ama ay hayb wataagta yihiin oo wax uun wadaagaan sida diinta, luqada, isirka, midabka, dhaqanka iyo wixii la mid ah, waxaana iska cad in Soomaaliya aysan taas wali helin marka laga reebo Djibouti oo samaysay dhowr isku day oo iyaguna fashilmay maadaama ay Djibouti tahay dal yar oo aan daba gal iyo hirgalin kusamayn karin wixii lagu heshiiyay ee ay sameeyeen. Hadaba hadii raysal wasaaraha dalka turkiyo uu ka dhabeeyo imaanshihiisa uu Mogadishu ku imaanayo wuxuu noqonayaa madaxii ugu horeeyey ee dal islaam ah ka yimaada isla markaana u muujiya sida uu uga xunyahay dhibka haysta dadka Soomaaliyeed. Hadaba Su,aasha ayaa ah maxaa laga doonayaa dadka Soomaaliyeed? Maxaase laga doonayaa dowlada Soomaaliyeed? Booqashada uu raysal wasaaraha dalka turkigu mr Tayyip Erdogan ku imaanayo Soomaaliya waxay xambaarsantahay astaabo badan wuxuuna raysal wasaaruhu sheegay in macaawinada dalka turkigu siinayo Soomaaliya kasokow uu doonayo in uu indhaha beesha caalamka kusoo jeediyo xaalada adag ee dadka iyo dalka Soomaaliya kusuganyihiin waqti xaadirkan. Aniga waxay iila muuqataa in ummuda Soomaaliyeed ay si heer qaran ah usoo dhaweeyaan raysal wasaaraha dalka Turikiga mr Tayyip Erdogan marka uu yimaado Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Mogadishu ee caasimada Soomaaliya. Waxaan filayaa in cid waliba aysan fahmi Karin dareenka ay xambaarsantahay siyaasada ka dambaysa booqashada uu raysal wasaaraha dalka turkigu ku imaanayo Soomaaliya gaar ahaana magaalada Mogadishu. Waxaana ugu baaqayaa inta fahmaysa oo uu ugu horeeyo duqa magaalada Mogadishu Maxamuud Axmed Nuur Tarzan iyo maamulkiisa gobolka banaadir iyo shacabka reer Mogadishuba inay u guntadaan sidii ay usoo dhawayn lahaayeen raysal wasaare Tayyip Erdogan iyo wafdigiisa usoo badheedhay qatarta Mogadishu si ay usoo arkaan xaalada dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan indhaha beesha caalamkana ugu soojeedinlahaayeen arimaha Soomaaliya taas oo loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka ciyaaraan una diyaar garoobaan sidii ay si heer sare ah ugu soo dhawayn lahaayeen raysal wasaare Erdogaan iyo wafdigiisa. Sidoo kale waxaalaga doonayaa madaxda dowlada, aniguna aan ugu baaqayaa inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan raysal wasaaraha dalka turkiga mr Erdogan iyo wafdigiisa kana codsadaan in dowlada turkiga iyo dalalka islaamku ay kacaawiyaan Soomaaliya sidii xal waara oo siyaasadeed loogu heli lahaa dhibaatada kataagan dalka Soomaaliya. Anigu waxaan aaminsanahay in waqtigii dadka Soomaaliyeed reer hebel iyo reer hebel la isaga horkeeni jiray uu yahay waqti lasoo dhaafay islamarkaana ay shacabka Soomaaliyeed ka ilbaxeen hab dhaqankaa foosha xun. Waxaana lajoogaa waqtigii qofkii ama kooxdii kasoo horjeesata in dadka Soomaaliyeed ay nabad helaan laqasbilahaa turkiguna door muhiim ah ayuu ka ciyaari karaa arintaas maadaama uu yahay dal awood militari oo baaxad wayn leh kana naxaya dhibaatada dadka Soomaaliyeed haysata, dib u heshiisiinta iyo dhex dhexaadinta kooxaha kala duwana door muhim ah ka ciyaari kara, waase cidii ay Soomaalinimo ku jirto oo doonaysa in qaranimadii iyo dowlad nimadii Soomaaliya ay dib usoo noqoto. Balanta shacabka Soomaaliyeedna waa in soo dhawayn heer qaran ah loo sameeyo raysal wasaare Tayyip Erdogan iyo wafdigiisa howshaasina waxaa looga fadhiyaa gobolka banaadir, ururada bulshada rayidka ah sida haweenka, dhalinyarada iyo shacabka reer Muqdisho. Qoraalkan waxaa idiin soo diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jamac dharas oo ah arday wax ka barta dalka Sweden kana tirsan gudiga fulinta ee ururka isbahaysiga ummada Soomaaliyed ee dalka Sweden. Wixii talo iyo tusaale ah igala soo xidhiidh ciwankan Abdikani.jama@gmail.com Mahadsanid