torsdag 18 augusti 2011

Talo soojeedin kusocota madaxda dowlada Soomaaliya oo kusaabsan sugida amaanka macaawinada Soomaaliya lasiinayo

Waxaan kawada war qabnaa in dadka iyo dalka Soomaaliya ay ka dhacday abaar aad iyo aad u daran oo keentay in dad badan oo caruur iyo waayeelba lihi ay u dhinteen halka kuwo kalena ay ugasoo barakacayaan degaanadii ay deganaayeen si ay u gaadhaan xeryaha qaxoontiga ee gudaha dalka Soomaaliya iyo dalalka dariska ah, sida Kenya iyo Ethoipia.
Waxaana muuqata in dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay si wanaagsan ugu gurmanayaan sidii ay u caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu halakeeyeen.
Hadaba dowlada iyo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa laga doonayaa inay iska kaashadaan sidii ay beesha caalamka ugu muujinlahaayeen inay yihiin dad iyo dowlad wanaagsan oo kasoo baxaya waajibaadka ka saaran in macaawinada ay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku u soo dirayaan dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan inay soo gaadhayso dadka dhibaataysan ee ay abaarhu soo barakiciyeen.
Waxaa kasoo baxaya aalada internetka warar sheegaya in macaawinada lasiiyo Soomaaliya lagu kala iibsado suuqyada magaalada Mogadishu. Arintan ayaa ah wax siwayn u dhaawacaya sharafta dowlada Soomaaliyeed iyo dadkeeda ay abaaruhu halakeeyeen. Waxaana lagu sheegay baadhitaan ay samaysay wakaalada wararka ee associated press AP ee laga leeyahay dalka maraykanka war bixin sheegaysa in ganacsato yar yar oo ka mid ah kuwa degan deganada cuntada lageeyo ay xadaan cuntada ka dibna ay dib usii iibiyaan oo ay ka ganacsadaan.
Horay ayey budcad baddeedu ugu ceebaysay dadka Soomaaliyeed oo ay sharaftoodii meel ugaga dhacday ka dib markii ay mucaawinada beesha caalamku soo dirto ay bada isu taageen oo ay afduubteen maraakiibtii macaawinada siday, taas oo keentay in beesha caalamku ay badaha Soomaaliya keento maraakiib dagaal oo ladagaalama budhcad badeeda isla markaana ilaaliya badaha Soomaaliya, taas oo keeni karta in aysan dowlada Soomaaliya iyo shacabku toona aysan ka war qabin waxa ka dhacaya bada Soomaaliya maanta, ayna dhicikarto in lagu soo dhuunto maraakiibtaas, oo badaha Soomaaliya si sharci daro ah looga kaluumaysto maadaama ay badii Soomaaliya noqotay halaq mareen.
Sidoo kale ayaa maalmahan waxaa soo baxayey warar sheegaya in cuntadii macaawinada ahayd ee aduunku uu ugu deeqay dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan in lamusuq maasuqay oo dhex laga leexiyey isla markaana lagu kala iibsanayo suuqyada magaalada mugdishu sida ay qortay wakaalada wararka ee associated press AP.
Arintan oo hadii ay cadaato ku noqonaysa dowlada Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan ee macluusha iyo abaaraha kasoo barakacay dhirbaaxo siyaasadeed oo iyo mid bani,aadanimoba oo ay adagtahay inay kasoo kabsadaan.
Waxay sidoo kale hoos u dhigaysaa moralka ama hamiga bani,aadanimada ku dhisan ee dowladaha iyo dadyowga deeq bixiyayaasha ah oo hadii ay maqlaan in cuntadii ay dadka dhibaataysan ugu deeqeen suuqyada lagu kala iibsanayo ay dhaawac wayn u gaysan doonto howlihii gurmadka bani,aadanimada ee abaaraha Soomaaliya loo samaynayey.
Waxaana ugu baaqayaa madaxda dowlada iyo cidii kale ee ay qusayso in sharci adag ay kasoo saaraan cidii ama ganacsadihii lagu helo isaga oo iibsanaya ama iibinaya cunto macaawino ah, sharcigana lahorkeeno isla markaana xukun adag lagu qaado, Si looga hortago musuq maasuq ku yimaada cuntada loogu deeqay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu soo bara kiciyeen.
Sidoo kalena waa inay dowladu laxisaabtantaa hayadaha gargaarka ee magaca abaaraha Soomaaliya lacagta aduunka uga aruuriyey si dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu caydheeyeen loogu caawiyo. Maha hadii face-ka 1 koobaad ee cunto gaadhsiinta dadka soo barakacay u dhamaado inay dhamaatay baahidii keentay gargaarka abaaraha Soomaaliya laakiin waxaa bilaaban doona face-ka 2 labaad oo ah dib u dajinta dadka soo bara kacay iyo sidoo kale face-ka 3 sadexaad oo ah sidii loojahayn lahaa malaayiinta shacabka soomaalida ah ee ay abaaruhu caydhteeyeen. Sababto ah qaybo badan oo ka mid ah dadka soo barakacay waxay ahaayeen xoolo dhaqato xoolihiina way ka baabe,een waxayna soo degeen magaalooyinka, waxayna u baahanyihiin in loo sameeyo camal iyo xirfado ay nafdooda ku maareeyaan. Sidoo kale kuwa deegaanadoodii ku hadhay oo iyagu u badan dad beeralay ah waxay iyaguna u baahan yihiin in ceelal loo qoto lagana caawiyo cagaf cagafyo yar yar oo ay ku fashaan beerohooda si aysan u maclullin mar dambe. Dhamaan howlahaasi waa howlo sugaya dowlada ku meelgaadhka ah inay wax ka qabato.
Qoraalkan waxaa idiin soo diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jamac dharas oo ah arday wax ka barta dalka Sweden kana tirsan gudiga fulinta ee ururka isbahaysiga ummada Soomaaliyed ee dalka Sweden. Wixii talo iyo tusaale ah ee ku saabsan qormadan igala soo xidhiidh ciwankan Abdikani.jama@gmail.com
Mahadsanid



Inga kommentarer: