torsdag 18 augusti 2011
sidee looga faa,iidaysan karaa booqashada uu Soomaaliya ku imaanayo raysal wasaaraha dalka turkiga?
War baahinta dalka Turkiga ayaa maalmahan sheegayey in raysal wasaaraha dalkaasi turkiga mr Tayyip Erdogan uu doonayo in uu tago Soomaaliya uuna soo booqdo xeryaha dadka abaaraha kasoo barakacay ay degan yihiin. Mr Tayyip Erdogan oo lahadlayey dadwaynaha dalka turkiga ayaa sheegay in dadka turkigu ay isu diyaariyaan sidii in ay yihiin dadka turkigu dadka kaliya ee caawinaya dadka macluushu ay dhibaataysay ee Soomaaliyeed, taas oo uu ula jeeday inaysan waxba lahadhin si ay u caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.
Raysal wasaaraha dalka turkiga ayaa hadii uu booqdo dalka Soomaaliya wuxuu noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee dal islaam ah ka socda ee soo booqda dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee mudada 20 sano ah dhibaataysnaa wuxuuna soo kor dhinkaraa waxaabo badan. Ka sokow inuu kasbado kalsoonida shacabka Soomaaliyeed oo beesha caalamku ay dayrisay, waxay booqashada raysal wasaaraha dalka turkigu soo kordhinaysaa inay Soomaaliya ku soo jeediso indhaha beesha caalamka, si colaada iyo dhibaatada raagtay ee Soomaaliya wax looga qabto oo loo soo afjaro. Turkigu waa dal wayn oo awood siyaasadeed ku leh beesha caalamka waana dal istaraatiiji ah marka laga hadlayo dhanka siyaasada caalamka. Turkigu waa dal wayn oo islaam ah isla markaana ka tirsan ”North Atlantic Alliance” ama dalada militariga ee waqooyiga bada atlantiga ee loo yaqaano (NATO). Turkigo waa dal wayn oo islaam ah isla markaana leh siyaasad furfuran oo qunyar socod ah uuna isugu keeni karo dalal badan oo siyaasada ku kala aragti duwan.
War kusoo baxay boga wasaarada arimaha dibada ee dalka turkiga ayaa lagu sheegay in dalka turkigu uu u qaban qaabin doono shir deg deg ah oo uu ugu yeedhay dhamaan dalalka ku jira ururka islamka ee looyaqaano ”Organisation of islamic cooperation” (OIC). Shirkan ayaa ka dhici doona 17 bishan agoosto dalkaasi turkiga waxaana looga hadli doonaa xaalada macluusha daran ee ka jirta dalka Soomaaliya. Waxaana lagu casumay shirkan dhamaan 57 dal ee xubnaha ka ah ururka OIC si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee macluushau iyo abaaraha iswataa ay haleeleen.
Aragti ahaan anigu waxaan qabaa in gargaarka bani,aadanimo kasokow Soomaaliya ay u baahantahay xal siyaasadeed oo deg deg ah, si dalka iyo dadka inta hadhay loo samatabixiyo. Dowlada turkiguna waa dowlad wayn oo door wax ku ool ah ka ciyaari karta xal u helida dhibaatada raagtay ee Soomaaliya. Arintan ayaa runtii ahayd arin mudaba madaxayga ka qalinaysay laakiin may qornayn inaan horay wax uga qoro.sida aan wada ognahay waxaa inta badan dhacda in marka uu dal guuldaraysto ay u gurmadaan dalalka ay saaxiibada ama ay hayb wataagta yihiin oo wax uun wadaagaan sida diinta, luqada, isirka, midabka, dhaqanka iyo wixii la mid ah, waxaana iska cad in Soomaaliya aysan taas wali helin marka laga reebo Djibouti oo samaysay dhowr isku day oo iyaguna fashilmay maadaama ay Djibouti tahay dal yar oo aan daba gal iyo hirgalin kusamayn karin wixii lagu heshiiyay ee ay sameeyeen.
Hadaba hadii raysal wasaaraha dalka turkiyo uu ka dhabeeyo imaanshihiisa uu Mogadishu ku imaanayo wuxuu noqonayaa madaxii ugu horeeyey ee dal islaam ah ka yimaada isla markaana u muujiya sida uu uga xunyahay dhibka haysta dadka Soomaaliyeed.
Hadaba Su,aasha ayaa ah maxaa laga doonayaa dadka Soomaaliyeed?
Maxaase laga doonayaa dowlada Soomaaliyeed?
Booqashada uu raysal wasaaraha dalka turkigu mr Tayyip Erdogan ku imaanayo Soomaaliya waxay xambaarsantahay astaabo badan wuxuuna raysal wasaaruhu sheegay in macaawinada dalka turkigu siinayo Soomaaliya kasokow uu doonayo in uu indhaha beesha caalamka kusoo jeediyo xaalada adag ee dadka iyo dalka Soomaaliya kusuganyihiin waqti xaadirkan.
Aniga waxay iila muuqataa in ummuda Soomaaliyeed ay si heer qaran ah usoo dhaweeyaan raysal wasaaraha dalka Turikiga mr Tayyip Erdogan marka uu yimaado Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Mogadishu ee caasimada Soomaaliya. Waxaan filayaa in cid waliba aysan fahmi Karin dareenka ay xambaarsantahay siyaasada ka dambaysa booqashada uu raysal wasaaraha dalka turkigu ku imaanayo Soomaaliya gaar ahaana magaalada Mogadishu. Waxaana ugu baaqayaa inta fahmaysa oo uu ugu horeeyo duqa magaalada Mogadishu Maxamuud Axmed Nuur Tarzan iyo maamulkiisa gobolka banaadir iyo shacabka reer Mogadishuba inay u guntadaan sidii ay usoo dhawayn lahaayeen raysal wasaare Tayyip Erdogan iyo wafdigiisa usoo badheedhay qatarta Mogadishu si ay usoo arkaan xaalada dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan indhaha beesha caalamkana ugu soojeedinlahaayeen arimaha Soomaaliya taas oo loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka ciyaaraan una diyaar garoobaan sidii ay si heer sare ah ugu soo dhawayn lahaayeen raysal wasaare Erdogaan iyo wafdigiisa.
Sidoo kale waxaalaga doonayaa madaxda dowlada, aniguna aan ugu baaqayaa inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan raysal wasaaraha dalka turkiga mr Erdogan iyo wafdigiisa kana codsadaan in dowlada turkiga iyo dalalka islaamku ay kacaawiyaan Soomaaliya sidii xal waara oo siyaasadeed loogu heli lahaa dhibaatada kataagan dalka Soomaaliya.
Anigu waxaan aaminsanahay in waqtigii dadka Soomaaliyeed reer hebel iyo reer hebel la isaga horkeeni jiray uu yahay waqti lasoo dhaafay islamarkaana ay shacabka Soomaaliyeed ka ilbaxeen hab dhaqankaa foosha xun. Waxaana lajoogaa waqtigii qofkii ama kooxdii kasoo horjeesata in dadka Soomaaliyeed ay nabad helaan laqasbilahaa turkiguna door muhiim ah ayuu ka ciyaari karaa arintaas maadaama uu yahay dal awood militari oo baaxad wayn leh kana naxaya dhibaatada dadka Soomaaliyeed haysata, dib u heshiisiinta iyo dhex dhexaadinta kooxaha kala duwana door muhim ah ka ciyaari kara, waase cidii ay Soomaalinimo ku jirto oo doonaysa in qaranimadii iyo dowlad nimadii Soomaaliya ay dib usoo noqoto. Balanta shacabka Soomaaliyeedna waa in soo dhawayn heer qaran ah loo sameeyo raysal wasaare Tayyip Erdogan iyo wafdigiisa howshaasina waxaa looga fadhiyaa gobolka banaadir, ururada bulshada rayidka ah sida haweenka, dhalinyarada iyo shacabka reer Muqdisho.
Qoraalkan waxaa idiin soo diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jamac dharas oo ah arday wax ka barta dalka Sweden kana tirsan gudiga fulinta ee ururka isbahaysiga ummada Soomaaliyed ee dalka Sweden. Wixii talo iyo tusaale ah igala soo xidhiidh ciwankan Abdikani.jama@gmail.com
Mahadsanid
Prenumerera på:
Kommentarer till inlägget (Atom)
Inga kommentarer:
Skicka en kommentar