onsdag 13 mars 2013

"dowladeey intaadan falin kafiirso"


”Dowladeey intaadan falin Kafiirso”
Maqaalkan waa maqaal ku socda madaxda dowlada Soomaaliya waana maqaal ka kooban bogaadin, talo, tusaaleyn, iyo dhaliil dowlada kuwada socda. Qaybta koobaad ee maqaalka waxaan ku eegayaa booqashada raysal wasaaraha dalku kumarayo gobolada dalka qaar kamid ah. Qaybta labadna waxaan ku eegayaa go,aan dhowaan kasoo baxay dowlada oo runtii aniga iga yaabiyey laakiin aysan warbaahinta soomaalidu waxba kasoo qaadin aana u arko in lala soo degdegay oo uu waqtigiisii kasoo hormaray. Qaybta sadexaadna waxaan ku eegidoonaa doqob uusan ”chief protocolka” xafiiska raysal wasaaruhu ku farxidoonin oo ku saabsan heshiiskii uu raysal wasaaraha dalku shalay ku saxeexay magaalada Garoowe oo waxweyni ka qaldanaa oo runtii aan odhan karo wuxuu gef ku ahaa raysal wasaaraha iyo qaranimada Soomaaliyeed, heshiiskaas oo lagu faafiyey warbaahinta Soomaalida.
Dabcan waxaan ka wada war qabnaa in maalmahan uu raysal wasaaraha dalkeena Soomaaliya Abdi Farah Shirdon ”Saacid” uu socdaal shaqo ku marayey gobolada dalka. Socdaalka raysal wasaaraha ayaa ah mid bogaadin, amaan iyo dhaliilba aan usoo jeedinayo. Taas oo aan rabo in aan ku qaadaa dhigo maqaalkan si aan fekerkayga ugu biiriyo madaxda Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeedba. Dabcan bani,aadan ayaanahay oo qalad wuunaga dhacayaa, laakiin hadana waxaa loobahanyahay in feker iyo aragti aan iska waydaarsano si aan isaga saxno, talo iyo tusaaleyna aan isaga siino. Balse inta aanan talada iyo tusaaleynta u gudbin waxaan doonayaa in aan aad iyo aad u bogaadiyo booqashada uu raysal wasaaraha dalku ku tegay gobolada dalka oo uu kula kulmayo shacabka Soomaaliyeed iyo maamulada gobolada dalka. Runtii arintaasi waa arin loobaahnaa, mudana in labogaadiyo maadaama ay shacabka Soomaaliyeed arkeen wax ay mudo badan sugayeen oo ahaa inay mar,uun arkaan dowlad Soomaaliyeed oo danahooda iyo horumarkooda wada oo ugu tagta halka ay joogaan. Dabcan waan qiyaasi karaa dadkaas dareenkooda, inkastoo qaarkood ay wali qaflad ku jiraan. Waana arin runtii mudan in labogaadiyo aanuna aad iyo aad u soo dhawayneyno, ugana mahad celineyno madaxda dowlada Soomaaliya oo uu raysal wasaaruhu ugu horeeyo.
Dabcan waa markii ugu horeysay ee mudo 22 sano ah ay dowlad Soomaaliyeed booqato gobolada dalka, waanuna ugu hambalyeyneynaa dowlada saacid arintaas. Laakiin hadana waxaa runtii muuqda qaladaad waaweyn una baahan in lasheego si ay dowladu isaga saxdo. Dabcan qoraalkana ujeedadiisu ma aha mucaaradid ee waa wax saxid iyo toosin iyo dabcan talo iyo tusaaleeyn.
Arinta labad ee aan rabo in aan ka hadlo waa go,aankii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada oo ahaa in labedalo eray bixinta ku saabsan kalmada ”maamul” u samaynta gobolada oo ay golaha wasiiradu u bedeleen maamul samaysashada. Dabcan eraygu waa eray fiican laakiin aan u arko runtii inuu yahay eray waqtigiisii kasoo hormaray oo lasoo dedejiyey. Aanuna odhan karno dowladu way ku degdegtay oo kamay fiirsan arintaas. Sidoo kale waa arin keenikarta ama abuurikarta isfahmiwaa ka dhexdhasha dowlada iyo dadka shacabka ah, isla markaana keeni karta in laga faa,iideysto shacabka iyo dowlada dhexdooda iyadoo shacabka siqaldan wax loogu fasirayo. Maadaama ay dowladu jaaniskaas bixisay oo ay shacabkii u soo gudbisay arin aan dhanka dowlada ka bislayn oo aan waqtigii ku haboonaa lagaadhi, islamarkaana siinaysa fursad siyaasiyiin ku sheegii dalkan burburiyey oo danahooda ka hormariya danta dadka iyo dalka, dantooda shaqsiga ah ka dhiga tan dadka iyo dalka. Sidoo kale waxay fududeynaysaa in fursad loo helo in shacabka iyo dowlada la iska horkeeno, iyadoo dadka lootusayo in dowlada Soomaaliyeed ay shacabka Soomaaliyeed kala xigsanayso oo ay qaar gacan bidixaynayso. Arintaas oo hadii siyaasiyiin ku sheegu ku guulaystaan dowlada Soomaaliyeed dhaxalsiin karta cawaaqib xumo ay lashaqayn kariweydo, islamarkaana iska horkeenikarta shacabka iyo dowlada. Waana arin ay dowlada qaladkeeda leedahay hadii ay dhacdo. Waxaana arintaas keeni kara arimaha lasooboodka ah oo sifudud idin kaga soobaxaya hadhowna sababi kara arin cawaaqib xun dowlada dhaxalsiisa.
Dabcan sida sharciga ah dowlada Soomaaliyeed ayaa dalka iyo dadkaba masuul ka ah una xilsaaran oo ay tahay in ay waajibaadkeeda dowliga ah ee sharcigu saaray ay kasoo baxdo, isla markaana ay gobolada iyo degmooyinka u dhisto maamul, inta shacabka kagaadhayo inaysoo doortaan dadkii maamulka gobolada iyo degmooyinka hogaamin lahaa. Laakiin go,aankii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada wuxuu runtii ahaa mid aan ku haboonayn waqtiga uu soobaxay waxaana u arkaa in uu fursadsiinayo siyaasiyiin ku sheega raadinaya jaanis ay iskaga horkeenan shacabka iyo dowlada, iyadoo waliba qaarkood ay dalka wali idin lajoogaan iyagoo jabhado hubaysan wata halka qaarkalana ay maamul beeleed ay hogaamiyaan ay rabaan inay dalka u kala qaybiyaan ”imaaraatul qabaliyah” taas oo aan u arko inay tahay wax aan shacabka Soomaaliyeed qaban. Halka kuwo kale oo badanina ay raadinayaan meel ay kasoo galaan siyaasada dalka oo ay gaadgaadayaan qalad yar oo ay dowladu gasho, si ay qabiil iyo wax aan loobaahnayn wax ugu abaabulaan oo ay dowlada iyo shacabka isaga horkeenaan amaba ay shacabka laftiisa isakaga horkeenan. Arin taa oo ugu yaraan dowlada kamashquulinaysa ama ku adkaynaysa arimihii muhiimka ahaa ee larabay inay dowladu qabato.
Hadaba waxaana dowlada Soomaaliyeed kula talinlahaa inaysan jaanis nagu siin dadkaas iyaga ah oo ay go,aankaas maamulsamaysashada dib ula noqoto intuusan dhalin dhibaato ka wayn ta hada muuqata, lana sugto waqtiga shuruucda maamulada gobolada iyo demooyinka lagasoo diyaarinayo. Sidoo kale waxaan soo jeedinayaa in hada ka dib go,aamada dowlada kasoo baxaya loosaaro qubaro soo lafa gura, islamarkaana kasoo talo bixiya waxa ka dhalan kara iyo sida loofahmi karo, inta aan lagu dhawaaqin go,aamada dowlada oo aan bulshada loo shaacin, sidii hada dhacday. Sababta aan sidaas u leeyahayna waa in arintan oo kale aysan soonoqon markale iyo in aan afmiishaar fursad loosiin inuu shacabka Soomaaliyeed iyo aduunkaba si qaldan wax ugu fasiro, islamarkaana aan loogaga faa,iidaysan in dowlada iyo shacabka la iskaga horkeeno.
Sidoo kale go,aankani waa go,aan aad moodo inuu muujinaya in dowladu ay awoodi sharciga ahayd ee ay lahayd ay iska wareejisay iyadoon shacabkii u sheegin cida sharciga ah ee dowladoodii sharciga ahayd u bedelaysa oo maamul samaysashada lasheegay ay ku socoto oo shacabka maamulka usamaynaysa. Dowladu waxay sheegtay oo ay tidhi maamul samaysashada! Su,aashuna waxaytahay! yaasamaynaya maamulsamaysashada lasheegay? ma alshabab? Ma hogaamiye kooxeedyada jaanis gaadka ah ee darbiyada taagan ee gaadaya inay dowlada jaanis yar ka helaan? Masiyaasiyiinta afar jeeblayaasha ah ee dantoota ka dhiga tan dadka iyo dalka?
Yey dowladu lahadlaysaa oo ay ula jeeday inay shacabka maamul u sameeyaan ma xildhibaano iyo gole degaan oo dadku soo doortay ayaa jira oo dowladu lahadlaysaa? Su,aalaha uu go,aankii golaha wasiiradu nagu dhaliyey waybadanyihiin waxaana u aragnaa in dowlada go,aankaas lagu hodey iyaduna ay ku degdegtay. Dabcan waxaan filayaa in shacabkii 22 sano qaxa iyo dagaalka sokeeye iyo orodka ku jiray inaysan qaban go,aankii golaha wasiirada kasoo baxay ee maamulsamaysashada lagu sheegay ”regardless” ama iyadoon loo eegin wuxuu goluhu ulla jeedeen.
Sababto ah maamul sharcigii lagu maamulilahaaba uusan samaysnayn waxa dhisidiisa loogu kala ordayo waanu fahmi karaa, waxa ka imaan kara, waana in nin waliba maamul iska samaysto, taas oo hadhow dowlada dhib u keenaysa kuna adkaynaysa dowlada inay dalka u sameeyso sharciyo iswaafaqsan oo isla jaanqaadikara oo aan iska hor imaanayn, shacabka Soomaaliyeed dhaxalsiindoonta oo u horseedi doona nolol qabiil iyo qudhunkii ay ku daaleen iyo kala qodobkii ku dhisan oo aysan cidina ku faa,iideyn, aan ka ahayn kuwa maamuladaas madaxda ka noqda. Sidaa darted waxaan dowlada Soomaaliyeed sinaxariis le huga codsanaynaa.
• Inaysan ogo,laan in ciidanka dowlada ciidan aan ka ahay uusan joogin dhulka ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM kala wareegeen alshabab iyo alqaeda.
• In aan lasameyn maamul aan sharcigii lagu maamulilahaa diyaarsanayn, islamarkaana aysan dowladu cidna ka aqbalin maamul ayaan samaynaynaa sababtoo ah cida kaliya ee sida sharciga ah dalka uga masuulka ah waa dowlada Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed iyo aduunkuna kala xisaabtamimaayan waxa Soomaaliya ka dhacaya AMISOM iyo hogaamiye kooxeedyo jabhada wata cid kaliya ee sharciga ah ee lagala xisaabtamayaa waa dowlada Soomaaliyeed ee sharciga ah ee aduunkuna aqoonsaday. Shacabka Soomaaliyeed iyo aduunkuna idinka ayey maanta idin taageersanyihiin sidad u shaqaynaysaana sheeda ayaan kala soconaa.
Sidoo kale dabcan waxaa dowlada dhib ugu filan oo shaqo iyo xalin uga baahan maamulada laqabyaaladeeyey ee hadeer samaysan marka please idin kuna ha isku badinina anagana hanagu badinina. Waadna ogtihiin in magaalooyinka dalka qaar ay laba laba dowlad ku sheeg ka jiraan, marka fadlan wadankana yaan jaantaa rogan laga dhigin oo aduunka iyo shacabka u heelan ee niyada uhaya laga nijabin, Soomaalina dhibkay soomartay dib loogu celin ”please” waa codsi, ee halaga fiirsado go,aankii maamul samaysashadana lagu sheegay oo anigu u arko dib unoqosho qatarteeda leh.
Qodobka sadexaad ee aan doonayo in aan qormadan ku eego wuxuu ku saabsanyahay booqasha raysal wasaaraha waana runtii mid aan u roonayn dhegaha ”chief protocolka” xafiiska raysal wasaaraha. Raysal wasaaraha dalku markuu tegay magaalada Garoowe ee uu lakulmayey madaxda maamulka puntland waa lagu ceebeeyey runtii waxaana protocolkii kasoo baxay laga dhigay oo loo qoray sidii inay madax laba dowladood oo laba dal ka kala socotaa kulantay. Arintaas oo raysal wasaaraha dowlada gef ku ah aan saxna ahayn. Dabcan dadkii protokolka qorayey ama kas ha ugu qoraan sidan ama aqoondaro ha ugaysee, laakiin arintu waxay raysal wasaaraha dalka ku tahay arin meelka dhac ah. Micnuhu ma aha in raysal wasaaruhu uu garan waayey arintaas laakiin miis wax lagu saxeexo ma aha meel uu raysal wasaaruhu ku gorgortami karo protocolkii kasoo baxayna waa mid gef wayn ku ah raysal wasaaraha dalka in looguqoro siduu u qoranyahay. Tusaale hadii aan sooqaato waxaa ku qoran qodobka koobaad firqadiisa koobaad sidan ” In la wanaajiyo xiriirka iyo wadahadalka madaxda sare ee labada dowladood, la isna dhaafsado booqashooyin, lana ilaaliyo Protocolka dowliga ah” arintanina waxay meelkadhac weyn ku tahay raysal wasaaraha waxaana kamasuul ah ”Chief of Protocolka” xafiiska raysal wasaaraha iyo guud ahaan dadkii lashaqaynayey raysal wasaaraha in protokol noocaas ah oo uu raysal wasaaraha dalku ku saxeexanyahay kasoo boxo kulankaas. Waana arin dalkoodhan ceeb ku ah. Waxaana rajaynayaah in arintaasi ay tahay wax kama u dhacay oo aan ahayn arin kutalo gal ah. Sidegdeg ah loosaxo. Waxaan sidoo kale dhaliil ujeedinayaa madaxda warbaahinta qaranka oo aan iyaguna sixin qaladka dhacay ee sidiisii shacabka ugu baahiyey.
Qormadan talada iyo tusaalaynta ah waxaa idiin soo diyaariyey anigoo ah Abdiqani Jamac dharas oo ah arday wax ka barta kuliyada culuumta siyaasada ee jaamacada ”Stockholm University” ee dalka Sweden, isla markaana ah xubin ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee socialdemokratic party ee dalka Sweden. Wixii talo iyo tusaaleyn ah igala soo xidhiidh ciwankan Abdikani.jama@gmail.com
OBS: qormadan ujeedadedu waa talo iyo wax toosin!
Mahadsanid

Inga kommentarer: