lördag 16 mars 2013

Maamulka somaliland oo bilaabay inuu dadk shacabka ah iyo masuuliyiinta dowlada kala dego diyaarahada.


Hab dhaqanka maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya ayaa soo dedejinaya in duulimaadyada taga Hargeysa iyo Berbera loo wareejiyo Buuhoodle hadii uusan maamulkaasi joojin shacabka iyo masuuliyiinta transitka ku ah magaalooyinkaas ee diyaaradaha lagala degayo ama lagu afduubayo madaarada Soomaaliya ee uu maamulkaasi maamulo.
Waxaan indhowaalaba isasoo tarayey habdhaqanka guracan ee uu maamulka somaliland kula dhaqmayo shacabka iyo masuuliyiinta/madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya ee transitka ku ah madaarada maamulkaasi oo indhawaydba dadka laguladegayey/afduubayey. 
Arintaas oo mudan in si aad iyo aad ah loo cambaareeyo maadaama dadka la afduubayo ee diyaarahada loogala degayo sida budhcadnimada ah ay yihiin muwaadinin aan waxba galabsan oo aan wax dambi ah galin laakiin loola degayo oo kaliya aragtidooda siyaasadeed ee ah inay aaminsanyihiin Soomaalinimo iyo midnimada qaranka aSoomaaliyeed.
aad iyo aad ayey mudantahay in lacambaarayo afduubka iyo hab dhaqanka xun ee uu maamulgoboleedka somaliland ee gobolada waqooyiga Soomaaliya uu ku hayo masuuliyiinta dowlada Soomaaliya iyo shacabka transitka ku ah airportdhadaa goboladaas. Maamulka ayaa inta la ogyahay ay xabsiyada ugu jiraan dad badan oo aragtidooda siyaasadeed u xidhan oo ay waliba ka mid yihiin odayaashii ka qaybgalay shirkii Soomaaliya dowlada loogu dhisay ee barlamanka lagu soo xulayey.
Habdhaqankan uu maamulkani ku bilaabay inuu diyaaradaha kala hadho shacabka kadibna lacag lagusii daayo ama ay iskaba xidhnaadaan ayaa ah mid mudan in lacambaareeyo, iyadoo qofkii ugu dambeeyey ee lacagta laga qaadaa uu ahaa xildhiban Jamac Ahmed Maxamed ka tirsan xildhibaanada barlamanka dowlada federalka Soomaaliya oo hooyadiis oo xanuunsanaysa ku booqanayey magaalada gabiley. Xildhibaankaas oo gurigiisa loogu dhacay ka dibna xabsiga lookexeeyey. Habdhaqankaas oo ah mid budcadnimo ah maadaama muwaadin aan wax dambi ah gelin lalaboxayo habeen madow iyadoo waliba gurigiisa loogu dhacayo arattaas oo ah arin argagixisada lagu yaqaano. Habdhaqankaas oo u muuqda budhcadnimo iyo afduub loogaysanayo dadka diyaaradaha lasocda iyo kuwa soo booqanaya eheladooda degan gobolada waqooyi ee dalka, taas oo ah wax laga xumaado, mudana in lacambaareeyo.
Falalkan guracan ee uu maamulku gobolada waqooyi ku kacayey bilihii u dambeeyey ayaa kasoo daray ka dib markii 16 marso 2013 uu maamulka somaliland kala degay diyaaradii uu saarnaa Cabdishakuur Cali oo ah afhayeenka raysal wasaaraha Soomaaliya oo berbera transit ku ahaa. Arintan ayaa ah arin aan loo dulqaadan karin isla markaana keenaysa in dowlada iyo diyaaradaha localflight ka qaabilsani inay ka wada hadlaan sidii dadka karaabka ah amaankooda la isaga kaashan lahaa madaama uu maamulka somaliland bilaabay inuu ladego dad aan waxba galabsan halka qaarka kalena lagasoo qabqabanayo suuqa, loona xidhayo aragtidooda siyaasadeed ee midnimada Soomaaliya, taas oo dadku ay xaq u leeyihiin inay si xor ah aragtidooda siyaasadeed u cabiraan iyadoo aysan jirin cid xaq u leh inay shacabka cabudhislo laguna xidhi karin aragtidooda siyaasadeed, maadaaba laga gudbay waqtigii qofka aragtidiisa siyaasadeed looxidhijiray.

Inga kommentarer: